Tartan Isboorti Oo Lagu Maamuusayay Maalmaha Ciida Ayaa Lagu Soo Gabagabeeyay Dagmada Kaaraan

Tartankan oo ahaa mid todobaadkan ka soconayay garoonka Kubada Cagta Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan iyadoo ay ku tartamayeen degmooyinka gobolka banadir.

Ujeedka Tartan ciyaareedka ayaa ah mid loogu dabaal dagayay Maalmaha Ciida, laguna dhiinigalinayya dhalinyarada degmooyinka Gobolka waxaana soo abaabulay Hey’ada Wacyigalinta bulshada CCA.

Mudadii uu tartanka kasoconayay degmada kaaraan ayaa waxaa usoo daawasho tagi jiray bulshada qeybaheeda kala duwan eek u nool degmooyinka Gobolka Banadir.

Kulankii Finalka ee Maanta  ayaa waxaa usoo daawasho tagay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banadir oo ay kamid ahaayeen.

Gudomiye Xigeenka G/Banadir ee Amniga iyo Siyaasada ahna ku simaha Gudomiyaha gobolka Md. Maxamed Axmed Diiriye, Gudomiyaha Hey’ada CCA Maxamed Cajib, Gudomiyahay Degmada Karan C/fitax Nur, Gudomiyeyaasha Degmooyinkii tartanka ka qeybgalay, gudomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta Cali Shiino, Gudomiyaha Dhalinyarada Gobolka Md Makaran, Macalimiinta iyo maamulada kooxaha & Marti sharaf kale oo aad u badan

Ciyaartii Kama Dambeysta Aheyd Ee Finalka Waxaa Isugu Soo Haray Dagmooyinka Shibis Iyo Yaaqshiid  Waxaana Ku Guuleysatay Koobka Kooxdii Dagmada Yaaqshiid .

Munaasabadii Xiritaanka tartanka oo eheyd mid si Heer Sare Ah Loo Soo Qaban Qaabiyay ayaa waxaa khudbado u Badnaa Dhiira Gelin, Hambalyo ka Jeediyay  Mas’uuliyiintii Ka Qeyb Gashay, Oo Bogaadiyay In Tartan Is Dhex Gal Bulsho Loo Sameeyo Dhalinyarada Reer Muqdisho.

Gudoomiyaha  Hay,Ada CCA  Maxamed Cajiib Oo Ka Hadlay Munaasabada Ayaa Sheegay In Tartankan Ay u Qabteen dhalinyarada gobolka, Isagoo xusay In ugu Horeyn Muhiimada Ay Aheyd In La Xusuusiyo Dhalinyarada  Doorka Ay Nabada Ku Leyahiin, isagoo dhamaan mas’uuliyiinta iyo dhaliyarada ka qeyb gashay uga mahadceliyay qaabka nabad jaceylka ah oo ay uga soo qeyb galeen tartanka.

Gudoomiyaha  Siyaasada iyo amniga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo isna ka hadlay gaba gabada ayaa uga Mahadceliyay Doorka CCA ay ka Qaadaneyso Horumarinta Dhalinyarada Iyo Barnaamijyada Wacyi Gelinta, Isagoo Tartankan Loo Qabtay Dhalinyarada Ku Sifeeyay Mid Sare U Qaadaya Niyada Dhalinta ah.

Sidoo Kale Waxaa Ka Hadlay Munaasabada Gudoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta Md Cali Shiino isagoo si aad ah uga mahadceliyay CCA qaabka ay dhalinyarada ugu dhiiri galineyso isboortiga.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fitaax Nuur oo martigaliyay kulanka ayaa waxa uu CCA ka dalbaday in kulamada nuucaan oo kale ah in la joogteeyo si niyada dhalinyarada gobolka loogu dhiso.

Gudoomiyaha dhalinyarada G/Banadir Md Makaraan ayaa dhankiisa muujiyay doorka ay dhalinyarada ku leedahay horumarka iyo nabada isagoo tilmaamay in wadada ay CCA wado lagu gaari karo Nabad iyo horumar.

Ugu Dambeyn Hay’ada  CCA ayaa waxaa ay Abaal Marino Kala Duwan Gudoonsiisay Kooxdii iyo shaqsiyaaadkii ka qeyb galay tartanka waxaana si gaaar ah loo abaal mariyay degmooyinka kaalmaha galay sida Dagmada Hilwaa oo kaalinta 1-aad gashay Iyo Degmada Shibis oo labaad gashay, waxaana la gudoonsiiyay laba koob oo kala ahaa 1-aad iyo 2-aad.

Tartanka ayaa ku soo idlaaday jawi nabadeed iyo dhamaan kooxihii ka qeyb galay oo ku wada faraxsanaa kulamadii ay wada yeesheen.
IMG_1003 IMG_1064 IMG_1085 IMG_1243 IMG_1268 IMG_1706 IMG_1761 IMG_1777 IMG_1799 IMG_1800 IMG_1802 IMG_1842 IMG_1849 IMG_1808 IMG_1822 IMG_1852 IMG_1857 IMG_1862 IMG_2001 IMG_1922 IMG_1971 IMG_2024