Taliye Gorod oo xil u Magacaabay mid ka mid ah Saraakiisha Dhalinyarada ah ee Ciidanka Xoogga

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Xuseen  ‘Gorad’  ayaa Magacaabay  Abaanduulaha Guutada 2-aad ee Daljir Qeybta 12-April ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliye Gorod,ayaa waxaa xilkaasi loo Magacaabay Dhamme Cabdiraxiin Maxamed Munye.

Magacaabista Abaanduulaha Guutada 2-aad ee Daljir Qeybta 12-April ee Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa xili bilihii la soo dhaafay xilal loo dhiibayey Saraakiisha Dhalinyarada ah ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Sidoo kale Madaxweeynaha Jamahuuriyada Soomaaliya ayaa  Xarunta Wasaaradda Gaasgaandhigga Soomaaliya waxa uu u tegay tayeynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.