Baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo kulan deg deg ah yeelanaya

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in xubnaha baarlamaanka ee dowlad deegaanka Shacbiga dimuqraadiga Itoobiya ay Magalada jigjiga ku yeeshaan kulan deg deg.

Dhawaan Madaxweynaha Cusub ee DDSI waxa uu sheegay in la badalayo Calanka iyo Magaca deegaanka,waxaana laga yaabaa in Maanta xildhibaanada ay arrintaasi ka hadlaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ee KMG ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar oo ku sugsn Adis Ababa ayaa saacadaha soo socda soo gaari doono jijiga kaas oo la filayo in uu kulanka ka qeyb galo.

Amaanka Magalada Jigjiga ayaa aad loo adkeeyey,waxaana xarumaha Maamulka lagu arkayaa Ciidamada liyuu boolis,iyada oo ay horay u joogeen ciidamada Millateriga Federaalka Itoobiya balse laga qaaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media