Tahriibayaal u badan Ethiopian iyo Nigerian oo lagu qabtay  Kenya.

Ku-dhawaad 114 Tahriibayaal sharci-darro ku joogay Kenya ayaa lagu soo qabtay Hawlgal xalay ka dhacay Xaafadda  Ruaraka ee magaalladda Nairobi.

Ciiddan fara badan ayaa ka qeyb galay Hawlgalkaasi, kadib, markii ay Boliska heleen xog ku aadan in Tahriibayaashaasi gaadiidka xamuulka lagu geeyey guryo ku yaalla Xaafadda Ruaraka.

Waa Hawlgalkii ugu dambeeyey ee ay Boliska Kenya ku raafayaan dadka sharci la’aanta ku jooga Nairobi.

Dhinaca kale, Boliska Kenya waxay shalay qabteen 23 qof oo Ethiopian sharci lahayn, kuwaasi oo lagu hayey guri ku yaalla Galbeedka Kahawa.

Inta badan Tahriibayaasha Ethiopianka, waxay Kenya ka dhigtaan dal ay uga sii gudbaan safarkooda ay ku doonayaan inay ku gaaraan dalka Koonfurta Afrika, si ay uga soo xoogsadaan.

©Radio Dalsan