Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Andres Yageman ayaa sheegay inay masaafurin doonaan ku-dhawaad 60,000 oo Qaxooti, kuwaasi oo ah kuwii Sweden tegay sannadkii hore, wuxuuna hoosta ka xariiqay in laga yaabo in tirada dadka la masaafurinayo la gaarsiiyo 80,000 oo qof.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta Swedishka ayaa sheegay in xitaa la masaafurinayo Qaxootiga la diiday Codsiyadooda Magangelyo.
Tallaabadan ayaa timid, iyadoo Qaxootiga cusub ee dalkaasi tegay ay ku jiraan kuwo Dembiilayaal ah oo aan u qalmin in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.
Waddanka Sweden oo ay ku nool yihiin ilaa 9.8 million oo qof ayaa ka mid ah dalalka Europe ee qaatay Tirada ugu badan Qaxootiga ku qulqulayo Qaaradda Europe.
©Radio Dalsan