QM oo ka hadashay cayrintii Ergaygii u joogay Somalia

Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farxaan Xaq ayaa sheegay inay QM baaritaan ku hayso sababihii ay DFS u soo cayrisay Ergayga Khaaska ee QM u jooga Somalia, Nicholas Haysom.

Farxaan Xaq oo War kooban siiyey Suxufiyiinta ku sugan magaalladda New York ayaa sheegaya inay eegayaan dhacdadaasi, isla markaana ay isku dayi doonaan sidii ay Faahfaahino dhowr ah uga heli lahaayeen caddaynta dhacdadaasi.

 

Waxa uu intaasi ku daray inay eegi doonaan waxa u asaas ah iyo tallaabooyinka dheeraadka ee loo baahan yahay.

 

Hadalka Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farxaan Xaq ayaa ku soo beegantay iyadoo ay DFS habeenkii Talaadadii ee la soo dhaafay sheegtay in Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom laga cayriyey Somalia, kadib, markii lagu eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey Arrimaha Gudaaha ee Somalia.

Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii hore ee 2018-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media