Suxufiyad lagu eedeeyay inay Aflagaadeysay Madaxweyne Erdogan oo xasbiga la dhigay

Booliska Turkiga ayaa xabsiga dhigay weriye caan ah oo ka tirsan Telefishinka, kadib hadal ay hawada ka jeedisay oo ku saabsanaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu Sabtidii sheegay Qareenkeeda

Booliiska ayaa Sedef Kabas ku xiray gurigeeda labadii duhurnimo ee Sabtidii, saacado uun ka dib markii ay aragtideeda ku faafisay barteeda Twitterka oo ay kala socdaan 900,000 oo taageereyaasheeda ah.

Suxufiyaddan ayaa si rasmi ah loo xiray kadib markii ay ka soo muuqatay maxkamadda. Danbiga aflagaaddo madaxweyne ayaa dalka Turkey waxaa lagu muteystaa xabsi hal ilaa afar sanadood ah.

“Wariye ku sheeggan wuxuu si bareer ah telefeshinka uga caayay madaxweynaheenna. Malahan hadaf aan aheyn faafinta nacaybka,” ayuu soo dhigay bartiisa Twitter afhayeenka Erdogan, Fahrettin Altun.

Ururka suxufiyiinta Turkiga ayaa xariga Kabas ku tilmaamay “weerar halis ah oo ka dhan ah xoriyatul qawlka” waxaana kooxaha xuquuqul insaanka ay si joogta ah ugu eedeeyaan Turkiga inuu wiiqayo xorriyada warbaahinta, isagoo xiraya suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahineed ee dhaliila, gaar ahaan t

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor