Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Xujeyda ku dhimatay Musiibooyinka ka dhacay Sacuudiga

Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyay Tirada guud Ee Dadka Soomaalida ah ee ku dhintay Musiibooyinkii ka dhacay Dalka Sacuudiga.

Safiirka ayaa sheegay in Musiibadii Hore oo ahayd wiish ku soo dhacay Xujey badan iney ku geeriyooden Seddex qof oo Soomaali ah laba kalena ay ku dhaawacmen.

Waxa uu sido kale sheegay in isbuurashii ka dhacday Mina ay Ku dhinteen 10 Xujey Soomaali ah oo ku sugnaa Magaalada Maka.

Musiibadii ugu xumeyd ee ka dhacday Xajka ayaa noqotay isbuurashadii ka dhacday Mina oo ay ku dhinteen Dad kor u dhaafaya 1000 ruux oo Xujey ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa tacsi u dirtay mar sii horeysay Dhamaan ehelada Xujeydii ku shahiiday Musiibadasi.