Soomaaliya oo safka hore kaga jirta Waddamadda ugu khatarta badan Caalamka

Inkastoo ay so hagaagayso Xaalladda Ammanka ee Somalia, ayaa waxay Somalia Kaalinta Afaraad kaga jirtaa dalalka ugu khatarta badan Caalamka.

Qoraal-ka soo baxday Hay’adda The IntelCenter oo uu fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda London ayaa soo bandhigtay Qiimeynta Waddamadda ugu ikhatarsan Caalamka, waxaana qiimeyntaasi asaas looga dhigay Tobanka Waddam ee ay ka jiraan Dhaqdhaqaaqyadda hubeysan iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Qiimaynta oo loogu magac daray Taxanaha Cabsida ka jirta dalalkaasi, ayaa si gaar ah loogu kuur-galay heerka digniinaha falalka Argagixisadda iyo Kooxaha Hubeysan, tiradda dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay iyo shilallka kale iyo saxmadda ka jirta dalalkaasi.

Shaxda Tobanka Waddan ee uu khatarsan Caalamka ayaa waxay u kala horreeyaan sidatan:=

  1. Iraq
  2. Syria,
  3. Nigeria
  4. Somalia
  5. Afganistan
  6. Libya
  7. Yemen
  8. Pakistan
  9. Ukraine
  10. Masar

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda The IntelCenter oo uu fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda London waxay bil kasta soo saartaa Qiimaynta Xaalladda Ammaanka ee Caalamka iyo  Wadadmadda ugu khatarta badan  ee ay ku xooggan yihiin Kooxaha hubaysan iyo kuwa Argagixisadda.