Maamulka gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa waxa uu magaalada Burco ku soo rogay amar ah in la xiro 17 makhaayadood oo lagu eedeeyay inay sare u qaadeen qiimaha lagu cabo shaaha.
Makhaayadahan ayuu maamulku sheegay in boqolkiiba konton ay mar qura ku dareen qiimaha lagu cabo shaaha taas oo ay sheegeen in dadka caadiga ah ee magaalada aanay ka bixi karin.
Dadka iska leh makhaayadahaasi se waxa ay ku doodayaan in uu saameeyay sicir bararka ka jira Somaliland sidaana ay danta ku qasabtay.