Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo soo saaray digniin ku socota Ciidamada

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabullaahi (Tuulax) ayaa sheegay in aan la aqbali doonin hub sharcidarro ah in lagu dhex wato Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo sisharcidarro ah hub ugu dhex qaata Magalada Muqdisho balse maamulka Gobolka Banaadir uu qorsho u dejiyey,isla markaana aan la aqbali doonin.

Laamaha amniga Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay xakamaayeen Ciidamadooda hubka ay ku dhex qaataan Gudaha Magalada mararka qaar,isla markaana xilliyada ay fasaxa yihiin ay hubkooda ay xerooyinka uga soo tagaan.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaare kheyre uu ku dhawaaqay in amniga Muqdisho lagula xisaabtamayo Guddoomiyaasha degmooyinka ayaa waxa ay wadeen howlgallo isdaba-joog ah oo amniga lagu xaqiijinayo kaas oo habeenkii labaad laga sameeyey degmooyin ka tirsan G/Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media