Soomaalida ku nool Maraykanka oo dhigay Dibadbax lagu codsanayo baaritaanka dilkii Muwaadin Somali ah.

In ka badan 150 Arday iyo xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa shalay isugu soo ururay Kolejka Seattle Central College si ay ugu tukadaan Salaadda Janaasadda ee Marxum Xamsa Warsame oo dhawaan laga soo tuuray dhakada dhismo ka kooban 6 dabaq.

HAMSA 1Dadku waxay kaloo dhigeen Dibadbaxyo ay ku baaqayaan in la dedejiyo baaritaanka, lana soo qabto kuwii ka dambeeyey Jariimadaasi.

Dibadbaxyadda waxaa hal-ku-dheg u ahaa: “People want Hamza’s voice to be heard”, taasi oo la micno ah: “Dadku waxay doonayaan in la maqlo codka Xamsa”

Ardayad wax la dhigan jirtey Ardayga geeriyooday oo lagu magacaabo Ardo Xersi ayaa u sheegtay Dibadbaxayaasha inay u baahan yihiin Caddaalad, iyo inaysan nasan doonin ilaa ay ka helaan Caddaaladaasi.

Waxay sheegtay in madow ahaan iyo Iskuul ahaan dhibaato joogto ah lagu hayo maalin kasta, ayey sii raacisay Ardo Xersi.

Waa dibadbaxii Koowaad oo ka mid ah Labo Dibadbax oo la qorsheeyey si taageero loogu muujiyo Qoyska Marxuumkaasi.

Dibadbacayaasha waxay shalay socod dheer ku soo mareen Xarunta Kolejka Seattle Central College ilaa jidka 12th Avenue ee ka soo horjeedka Waaxda Boliska Seattle ee Seattle Police Department’s East Precinct building.

Dibadbaxayaasha waxay si KMG u xayireen isku-socodka gaadiidka muddada uu socday Dibadbaxooda cabashada.

Maanta ayaa la filayaa inuu Isku-soo-bax kale oo maanta ka dhaco barxadda Kolejka “Seattle Central College” saacaddu markay tahay 05:30 galabnimo ee Xilliga Maraykanka.

Boliska magaalladda Seattle waxay sheegeen inay weli baaritaan ku hayaan Kiiska wiilka Soomaaliga ee Xamsa Warsame.

Dhinaca kale, Xubnaha qoyskiisa iyo saaxiibadiisa ayaa sheegay inaan daaweynta dhaawaciisa xil la iska saarin, waayo Xamsa waxa uu ahaa qof Madow.

Ikram oo la dhalatay Marxumka ayaa sheegtay inay Qoyska shir la leeyihiin Boliska Seattle Police Department.

Waxay sheegtay inuu shirkaasi ka dambeeyey markii ay dareen ka dhasheen Farriimaha lagu muujinayo sida looga xun yahay dilkii Xamsa ee ay dadka isku dhaafsanayaan Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda “Social Media”.

 

HAMSA 2 HAMSA 1


HAMSA 11 HAMSA 13 HAMSA 12 HAMSA 10 HAMSA 3 HAMSA 4 HAMSA 5 HAMSA 7 HAMSA 6 HAMSA 9 HAMSA 8

© Radio Dalsan