Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray geeridii Abwaan Cabdikariin Faarax Jiir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeridii Maanta ku timid Maareeye ku-xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Qaareey oo loo yaqaanay Jiir.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray qoyskii, eheladii, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Mulaxamiiste Cabdikariin Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa Marxuum Cabdikariin Jiir ku tilmaamay inuu kamid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sameynta oo uu caan ku ahaa.

“Jannadii Firdows Allaha ugu bishaareeyo marxuumka, ehelka, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Eebbe ha ka siiyo” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble oo ka tacsiyeeynaaye geeridii ku timid Cabdikariin Faarax Qaareey oo loo yaqaanay Jiir.

Marxuumka Cabdikarikn Faarax Qaareey ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, waxaana xanuunkii halkaas ugu geeriyooday Maanta, isagoo markii hore laga deyrinayey xaaladdiisa Caafimaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor