Somali dacwad ka gudbisay Sirdoonka Holland iyo Droneska Maraykanka

Labo qof oo Qaxooti Soomaali ah, kuna nool dalka Holland ayaa waxay Dowladda Holland ka dacweeyeen Maxkamadda, iyagoo sheegay inay Dowladda Holland mas’uul ka tahay dhibaatooyinkii ka soo gaaray Is-dhaafsiga Xogaha ee Maraykanka iyo Holland ee Hawlgalladda Droneska ka fuliyaan gudaha Somalia.

Dhibanayaasha ayaa sheegay inay gabdhahooda ku geeriyoodeen duqeyn ay Droneska Maraykanka ka geysteen Somalia, iyadoo mid ka mid ah Dhibanayaasha dacwoonayo uu ku naafoobay duqeyntaasi.

Wargeyska The Volkskrant ee ka soo baxa dalka Holland waxa uu shalay qoray  inay Dhibanayaashaasi  dacwadooda  ka dhan Droneska Maraykanka u gudbiyeen Maxkamad ku taalla Holland.

Soomaalidaasi waxay kaloo sheegeen inay Dowladda Holland qeyb ka tahay mas’uuliyadda Weeraradda Droneska ee lagu dilay qaar ka mid ah dadkii ay jeclaayeen.

Wargeyska The Volkskrant waxa kaloo uu qoray inay tahay markii ugu horreysay  oo Kiis dhibaato burburin oo ay geysteen Droneska Maraykanka la hor geeyo Maxkamadaha Holland.

Goran Sluiter oo ah mid ka mid ah Labada Garyaqaan ee Soomaalida wakiilka uga ah Maxkamadda ayaa u sheegay Wargeyska The Volkskrant inaysan jirin wax la mid ah Beegsiga dilalka noocaasi ah.

Hay’adda Sirdoonka Milliteriga Holland “M.I.V.D” ayaa la shaaciyey inay la wadaagi jirtey Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da dhegeysiga macluumaadka Malaayiin Iswicitaanka Telefoonadda iyo Qoraalladda SMS-ka ee ay Soomaalida isku diraan, sida uu Qandaraaslaha  Maraykanka ee baxsadka ah, Edward Snowden ku xaqiijiyey Dukumentiyo  uu ku soo bandhigay Websaytka Kashifa Xogaha Qarsoon ee Caalamka ee WikiLeaks .

Dhinaca kale, Wargeyska  The Volkskrant waxa uu qoray in Duqeyntii Droneska Maraykanka ee bishii Janaayo ee sannadkii hore lala beegsaday Kolonyo gelbinaysay Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab aysan jirin dad rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay, sida ay tebiyeen Maraykanka iyo Warbaahinadda kale ee Reer Galbeedka.

M.I.V.D holland Intelligence Agency
© Radio Dalsan