Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil oo uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Ujeedka Socdalka Taliye Odawaa ee Buulo-burte ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dahfurka Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga oo laga dhigsay gudaha degmadaas, laguna qabanayo Munaasabada xarig jarka.
Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay taliyaha qeybta 27-aad Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedish) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo ku sugan degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale kulan la qaatan doona Taliska qeybta 27-aad, isagoona kala hadli doona amniga deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna ka qeyb galayaa daah-furta Xarunta Taliska qeybta 27-aad.