Sirdoonka Somalia iyo Britain oo ku raad-jooga Carmalada Cad.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalka Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite “Carmaladda Cad” ay si  toos uga mas’uul tahay weeraro Isqarxin iyo gawaari miineysan oo ka kala dhacay dalalka Somalia iyo Kenya.

Sarkaalka oo la hadlay Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegay inay Samantha Lewthwaite gacan-yare u tahay Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Haweeneydaasi waxay fariisataa gacanta midig ee Hoggaamiyaha Alshabaab, iyadoo bixisay weeraradda Alshabaab fuliyaan” ayuu yiri Sarkaalkaasi ka tirsan Waaxda La-dagaalanka Argagixisadda ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed.

Waxa uu ku tilmaamay inay tahay qof sheydaan ah oo hawlkar ku ah Hawlgalladda, isla markaana  lagu tuhunsan yahay inay bixisay amarkii lagu dilay in ka badan 400 qof oo dad biri-ma-geydo ahaa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Carmalada Cad oo hooyo u ah afar carruur ah ayaa waxaa uu Sarkaalka Sare ee ka tirsan Hay’adda NISA  inay tashkiiliso dhallinyarradda da’da yar iyo haweenka, si ay u geystaan falalka Is-qarxinta, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay qoysaska saboolka ah siisaa £300, si ay carruurtooda iyo haweenka u adeegsato Is-qarxiyayaal” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Dhinaca kale, Saraakiisha Hay’addaha Sirdoonka ee Somalia (NISA) iyo  kuwa M16-ka Britain ee ku sugan magaalladda Muqdisho ayaa la sheegay inay indhaha ku hayaan Carmalda Cad iyo dadka kale ee Britishka ah ee ku sugan gudaha Somalia.

Sirdoonka Britain ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin inay soo helaan Carmaladda Cad ama ay u yeertaan duqeyn dhinaca Droneska si loo dilo haweenydaasi.

Xafiiska Arrimaha dibedda ee Britain kama hadlin arrinta Carmalada Cad oo ay Boliska Calaamiga  (INTERPOL) iyo Dowladaha Britain iyo Kenya  baadi-goobayaan.

1 3 UK WIDOW 222 wwww