Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu dib u dhacay shir ay Maanta yeelan la haayeen xubnaha Golaha Wasiirada Maamul goboleedka hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa waxaa la filayay in ay Golaha Wasiirada uga hadlaan sidii Nidaamka dowladdnimada loogu baahin lahaa ama la gaarsiin lahaa deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle balse uu kulankasi baaqday kaadib markii uu imaan waayay Madaxweyne Cosoble oo qprshuhu ahaa in uu shirkaas furo.
In ka badan 20 Wasiir oo ka tirsan Golaha Wasiirada hir-Shabeelle ayaa ku sugan degmada Balcad,kuwaas oo isku soo diyaariyay kulanka bals an suurtgelin.
Warar kale ay heleyso Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro xoogaa khilaaf u dhaxeeyo Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle taas oo keentay in uu kulanka baaqdo in kastoo weli Goluhu uusan shaacin sababta uu ku baaqsaday kulankooda.
Cali Cabdullahi(Cosoble) Madaxweynaha dowlad Goboleedka hir-Shabeelle ayaa dhawaan sheegay in degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay martigelin doonto Shir Maamul loogu sameynayo Gobolka Banaadir walow arintaas ay diideen Waxgaradka ka soo jeeda gobolkaan Banaadir