(SAWIRO): Qaxooti Somali oo ka soo ambabaxay Xeradda Dhadhaab oo ku soo wajahan Muqdisho iyo Dhoobley.

680-Qaxooti Somali ah ayaa ka soo ambabaxay Xeradda Qaxootiga Dhadhaab ee W/bari Kenya, kuwaasi oo ku soo jeeda dalka hooyo.

Hadal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay Qaxootiga ku soo jeeda Muqdisho lagu soo qaaday Diyaarad u kireysan QM, halka Qaxootiga kale Basas lagu geyn doono Degmadda Dhoobley oo aan ka fogeyn Xuduudka.

Qorshaha Qaxootigaasi lagu soo daad-gureynayo ayaa qeyb ah Barnaamijka Qaxootiga iskooda u go’aansada inay ku soo laabtaan dalkooda Hooyo.

Dib-u-soo-laabashadooda ayaa ku soo beegmayso, iyadoo inta badan Qaxootiga ku jiraya Xeradda Dhadhaab dib ugu soo laabanayaan gudaha Somalia sababo la xiriira Hay’adda UNHCR oo yareysay raashinkii la siin jirey Qaxootiga iyo xiriira xaalladda nolosha Xeradda oo sii xumaanayso.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media