Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharixiinta ugu cadcad Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ayaa beeniyey in shalay qarax lagu dhaawacay Mas’uulkii ugu qaabilsanaa Ololihiisa Doorashadda.
Musharax Jibriil oo maanta la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inuusan warkaasi waxba ka jirin, isla markaana ay faafiyeen dad doonaya inay carqaladeeyaan Doorashadda.
Shalay ayey ahayd, markii mid ka mid ah Barayaasha wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla magaalladda Muqdisho lagu dhaawacay qarax loogu xiray gaarigiisa.
Qaraxaasi oo ka dhacay agagaarka Dhismaha Seey Biyaano ee agagaarka Isbitaalka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmay Barre lagu magacaabo C/weli Baadil iyo shan qof oo kale.
Baraha ayaa la sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen Lugaha, isla markaana haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan