Shirka madasha qaranka oo la filayay in lagu soo gabagabeeyo muddo laba cisho ah ayaa Maanta galay maalintii afaraad iyada oo weli lagu heshiis la’yahay maqaamka magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayan in kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir in lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Shirka ayaa ugu dambeyn maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo sida wararka tilmaamayan balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo in lagu heshiin karo arinta muranka weyn uu tagan yahay ee ah maqaamka Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya ka wareejiyay go’aan ka gaarista arintan.