Sirdoonka Soomaaliya ayaa goor dhaw shaaca ka qaaday iney howlgal mideysan ku dilen madaxii Amniyaadka Al Shabab Yuusuf Xajji sida NISA ay ku qortay bogga Twitterkeeda.
#NISA Esp. OPS: Yusuf Hagi, Head of Amniyat, Right Hand of Abu-Ubeyda killed in a Joint operation last week,
Stay Tuned— NISA (@HSNQ_NISA) June 1, 2016
NISA waxa ay sheegtay in Yuusuf Xajji lagu dilay howlgalkasi isbuucii hore oo ka dhacay deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelada Hoose.
Al Shabab weli kama aysan hadlin warkan sheegaya in Howlgal culus lagu dilay madaxii sirdoonka Al Shabab Yuusuf Xaaji oo aad ugu dhaw Hogaamiyaha Al Shabab Sheekh Abuu Cubeyda sida NISA ay sheegtay.