Inta la xaqiijiyey ilaa 3 Ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ka dhacay Wadada Taleex degmada Hodan Magalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Gaari nooca xamuulka qaado ah oo shixnad kala duwan ka soo raray Dekada Muqdisho uu halkaaski ku rogmado taas oo keentay dhimashada dadkaas iyo dhaawaca kuwo kale.
Dadka shilkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa gurmad u sameeyey dad ku sugan Dalcada Wadada taleex kuwaas oo geeyey Xarumaha Caafimaad qaar ee ku yaalla Magalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir weli shilkaasi kama hadlin,waxana la sheegay in halka uu Gaariga ku rogmaday dhowr mar ay sidaan oo kale gawaari ugu rogmadeen.