Khasaaro ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegtay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka aaso ah oo degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagula eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada oo saarnaa gaari nooca dagaalka ayaa waxaa uu qaraxu ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley, waxaana  qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askarta.

Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa qaraxaas ku dhintay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxii dharkeenley lagula eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda, iyagoona sheegtay inay ku dileen saddex Askari.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa qaraxyo nooca miinada dhowr jeer la eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana qaraxyadas inta badan ka dhashay Khasaarooyion kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media