Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay deegaanka lagu Magacaabo Balli-dhidin,ay dad ugu geeriyoodeen Biyo ay cabeen kuwaas oo la sheegay in ay Sumeysnaayeen.
Ilaa 5 ruux ayaa la sheegay in ay Biyahaas ay cabeen u geeriyoodeen oo laba ka mid ah ay Caruur yihiin halka 16 kale ay lala jiifiyay isbitaalka Magaalada Carmo sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Dhanka kale Howl wadeenada caafimaadka ayaa sheegay in la duugey Ceelkii ay dadkaani ka cabbeen Biyaha sumeysan si kuwo kale aysan waxyeelo uga soo gaarin.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa dhowr mar waxa ay ka dhaceen qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.