Sawirro:-Wasiirka Amniga oo gaaray jowhar kana qeyb galaya Shirka dib u Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Cadale

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Goordhow gaaray Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abiikar isloow Ducaale,iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedada Wafdiga ay halkaasi u tageen ayaa ah sidii ay uga qeybgeli lahaayeen  Shirka dib u Heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Deegaano hoostaga Degmada Cadale ks oo k furmya Magaalada jowhar.

Markii uu halkaasi tegay Wasiirka Amniga waxa uu kulamo Gooni Gooni ah la qaatay waxgaradka Beelihii ku dagaalmay degmada Cadale isaga oo ku dhiirgelinayay in ay Nabadda qataan.

Daqiiqadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in jowhar uu ka furmo shirk Dib u hehsiisiinta Beelihii ku dagaalmay cadale,waxaana garwadeen ka ah dowladda Federaalka Soomaliya iyo Maamulka Hir-Shbeelle.

Waxaa sidoo kale shirk aka qeybgalaya Odayaal iyo Waxgarad ka kala socda dhinacyadii dagaalamay,iyada ay xusid mudan tahay in Maleeshiyaadkii dagalamay Ciidamo lakala dhexdhigay.

Sawirro