Dagaalka Sudan oo dib u billowday inkastoo xabbad-joojin lagu dhowaaqay

Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Hase yeeshee rasaas iyo qaraxyo ayaa xalay laga maqlayey magaalada Omdurman, halkaasi oo ciidamada ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan aagagga Dacmu Sariic, sida uu sheegay weriye ka tirsan Reuters.

Militariga ayaa sidoo kale drone u adeegsaday si ay dagaalyahannada uga celiyaan goob saliidda lagu sifeeyo oo ku taalla Bahri, oo ah magaalada saddexaad ee ku teedsan webiga Nile.

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan, Volker Perthes ayaa Golaha Ammaanka u sheegay Talaadada in xabbad-joojinta “ay u muuqato inay illaa hadda ka dhaqan-gashay qeybo ka mid ah dalka.”

Hase yeeshee wuxuu sheegay in dhinacna aanu muujin inuu diyaar u yahay “wada-xaajoodyo dhab ah, taasi oo muujineysa in labada dhinacbna ay la tahay in guul militari oo midba kan kale uu ka gaaro ay suurta-gal tahay.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor