Saraakiisha ayaa sheegay inay Toogashadaasi ka dhacday Kaniisad ku taalla Deegaanka Sutherland Springs oo 55 KM ka baxsan magaalladda SAN ANTONIO ee Gobalka Teksas.
Dadka ku geeriyooday Toogashadaasi oo da’doodu u dhexeysay 5 jir ilaa 72-jir waxaa waxaa ka mid ahaa carruur iyo Haweeney Xaamilo ahayd.
Weerarkaasi waxaa la sheegay inuu geystay Nin horey uga tirsanaa Ciiddanka Cirka Maraykanka, kaasi oo lagu magacaabi jirey Devin Patrick Kelley, kaasi oo markii dambe maydkiisa laga dhex helay gaarigiisa..
Madaxweyne Trump oo haatan ku sugan dalka Japan waxa uu Toogashadaasi ku tilmaamay Weerar Bahalnimo.
Weerarka Axadii ka dhacay Kaniisaddaasi ayaa ah tii 2-aad ee dadka badan lagu dilo, iyadoo bishii hore toogasho wadareed lagu dilay ugu yaraan 58 qof, laguna dhaawacay 500 oo kale.