Shalay Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirka Madaxda Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada kaas oo ujeedka loo qabtay uu ahaa in xal laga gaaro khilaaf u dhaxeeyay Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboledyada.
Hadaba shirkaas maxaa qorsho ah oo ka soo baxay iyo sababahii ugu weeynaa uu u dhaafay waqtigii loogu tlo galay Su’aalahaas iyo Su’aalo kale waxaa ka jawaabaya Siyaasiga Axmed Salaad Ow-Aadan.
Siyaasiga ayaa ku tilmaamay qodobada ka soo baxay shirka iyo inta uu socday wqtigiisa faraha badan in uusan aheyn mid Shacabku sida ay filayeen u soo baxay.
Waxa uu sheegay in arrintaan ay sabab u tahay Ajendayaal gaar ah oo u yaallay Madaxda Maamul Goboleedyada taas oo waqtiga sii dheereysay ugu dambeena waxyaabihii ka soo baxay ay noqdeen wax aan la filaneyn.
Sidoo kale waxa uu hadlkiisa intaas ku daray in cadaadis iyo dhibaatooyin soo wajahay Madaxda Dowlad Goboleedyada uu shirkaan ku yimid kuwaas oo dowladda Soomaaliya ku eedeynayay in ay masuul ka tahay laakin weli Madaxdu sayan shaacin in ay ka heshiiyeen khilaafkii jiray.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in sidoo kale aan xal laga gaarin khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii xaaf iyo mooshinka Siyaasaded ee ku  socda Shariif Xasan taas oo cadeneysa in shirku uu yahay mid fashil ku dhamaaday.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Siyaasiga.