Sawirro:-Taariikhda Toogashooyinkii ugu dhimashada badnayd ee Maraykanka(Warbixin)

Toogashadii shalay ka dhacday magaalladda Las Vegas ee dalka Maraykanka waxay noqotay mid saamayn weyn ku yeelatay dadka Maraykanka, inkastoo aysan Toogashadaasi ahayn tii ugu horreysay ee lagu riiqmay oo ka dhacda dalkaasi.

Boliska waxay shaaciyeen inuu Toogashadaasi geystay Nin la oran jirey Stephen Paddock oo 64-jir ah, kaasi oo horey u ahaan jirey Xisaabiye iyo Ugaarsade, isla markaana haystay Laysinka Duuliye Diyaaradeed.

Toogashadaasi ayaa lagu dilay 59 qof, iyadoo in ka badan 500 kalena lagu dhaawacay.

Waana Toogashadii ugu xumayd ee ka dhacda dalka Maraykanka tan iyo sannadkii 1949-kii.

Sannadkii la soo dhaafay Toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Orland ee Gobalka California, oo lagu dilay 49 qof.

Bal aynu eegno Toogashooyinka dhimasho-wadareedka geystay ee ka dhacay Maraykanka 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Toogasho ka dhacday Dhismaha lagu caweeyo ee Pulse nightclub ee magaalladda Orlando.

49 qof ayaa lagu dilay Toogashadaasi oo  bishii June 12=dii ee sannadkii hore ka dhacday Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Orlanda ee Gobalka California.

Ninka weerarka geystay waxaa la sheegay inay Boliska toogteen. waxaana la rumeysan yahay in ninkii fuliyey ahaa qof taageersanaa Daacish.

Kooxda Daacish ayaa markii dambe sheegatay mas’uuliyadda Toogashadaasi,

Dhimasho ka dhacday Jaamacad ku taalla Gobalka Virginia sannadkii 2007-dii.

Arday 23-jir ah ayaa la sheegay inuu xabado ku riday Ardayda dhigata Jaamacadda Farsamada ee Virginia Tech University bishii April ee sannadkii 2007-dii.

27 Arday iyo 5 Macallim ayaa ku geeriyootay, iyadoo inta badan Ardayda  is-buurteen.

Qofka dilka geystay ayaa la sheegay inuu markii dambe is-dilay.

Toogasho ka dhacday Dugsiga Sandy Hook sannadkii 2012

  • Nin 20-jir ah ayaa toogtay hooyadiisa bishii December ee sannadkii 2012-kii, ka hor inta uusan toogasho ku dilin 20-carruur ah iyo 6 qof oo qaan-gaar ahaa.
  • Toogashadaasi waxay ka dhacday Dugsiga Hoose ee Sandy Hawk Elementary School oo ku yaalla magaalladda Newtown.
  • Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu markii dambe is-dilay.

Toogasho ka dhacday Gobalka Teksas sannadkii 1991-kii.

Bishii October ee sannadkii 1991-kii, nin hubeysan ayaa waxa uu toogasho ku dilay 22 qof oo ku sugnaa Baar ku yaalla magaalladda Killeenka ee Gobalak Teksas, ka hor inta uusan isagu is-dilin,.

Toogasho ka dhacday San Bernardino sannadkii 2015.

Lamaane Aroos ahaa oo  hubeysan ayaa la sheegay inay galeen Xafiis Xafladaha fudueeya oo ku yaalla bartamaha magaalladda  San Bernardino ee Gobalka California bishii December ee sannadkii 2015-tii.

Waxay dileen 14-qof, iyadoo 22-kalena dhaawacay.

Boliska ayaa la sheegay inay markii dambe toogteen Lammaanahaasi oo aroos cusub ku jiray xilliga ay dadka dileen.

Toogasho ka dhacday Fort Hood military base sannadkii 2009-kii.

Bishii Novemer ee sanandkii 2009-kii, Askari dhimirka looga jiray oo ka tirsanaa Milliteriga Maraykanka waxa uu rasaas ku furay Askar ku sugnayd Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda Killeen ee Gobalka Teksas, wuxuuna dilay 14-qof, wuxuuna dhaawacay 42-kale.

Toogasho ka dhacday Xarunta Socdaalka ee magaalladda Binghamton sanandkii 2009-kii

Nin Qaxooti ah oo ka soo jeeda dalka Vietnam ayaa la sheegay inuu toogasho ku dileen 13 qof oo ku sugnayd Xarunta Socdaalka ee magaalladda Binghamton bishii April ee sannadkii 2009-kii,

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu markii dambe is-dilay.

Toogasho ka dhacday Xarunta Dhex ee Ciiddanka Badda ee Washington sannadkii 2013-kii.

Askari horey uga tyirsanaa Mariniska Maraykanka ayaa rasaas oodda         uga qaaday ciiddan ku sugnaa Xarunta Ciiddanka Badda ku               farsameeyaan Maraakiibta ee magaalladda Washingon bishii September    ee sannadkii  2013-kii.

Wuxuuna dilay 12-qof, ka hor inta uusan isagana isku tooganin qorigii        uu dadku ku laayey.

          Toogasho ka dhacday Aurora, Colorado sannadkii 2012-kii.

  • Nin dhallinyaro ah oo ku labisnaa jaakadah aysan xabbadu ka dusi Karin ayaa xoog ku galay Dhismo Shineemo ah oo ku taalla magaalladda  Aurora ee Gobalka Colorado bishii  July ee sannadkii 2012-kii.
  • Waxa uu halkaasi ku dilay 12 qof, halka uu 70 kalena dhaawacay.

Ninka dilka geystay waxaa qabtay Boliska waxaana lagu xukumay             xabsi daa’in.

Toogasho ka dhacday Dugsi ku yaalla Gobalka Kolarado sannadkii            1999-kii.

2 wiil oo da’da tobanaadka ku jirtay ayaa la sheegay inay toogteen              12 Arday iyo Macallinkooda oo ku sugnaa Dugsiga Sare ee                        Columbine High School oo ku yaalla magaalkadda  Littleton ee                  Gobalka Colorado, bishii April ee sannadkii 1999-kii.

Labadii qof ee geystay dilkaasi ayaa la sheegay inay iyagana is-                dileen.