Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka xili ay ku sugnaayeen qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Weerarka oo saacadihii lasoo dhaafay dhacay ayaa waxaa lagu dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, halka mid kalena lagu dhawaacay, kadib markii la sheegay in Israsaaseyn ay dhex-martay Ciidanka iyo ragii hubeysnaa.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarka oo sigaar uga dhacay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada, ayna la beegsadeen saddex Askari.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa tilmaamtay in weerarka kadib ay horey u qaateen qori Ak47 oo mid kamid ah uu watay Askarigtii la dilay, isla markaana ragii hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarkaas khasaaraha geystay ee ka dhacay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.