Sawirro:-Shariif Xasan oo Saldhig Ciidan ka dhagax dhigay Magaalada Awdiinle

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxa ay safar dhanka dhulka ah ku tageen  Magaalada Awdiinle ee Gobolka Baay.

Shacabka iyo madaxda deegaankaasi ayaa Madaxweyne Shariif Xasan ugu hortagay meel Magaalada u jirta 5-km iyagoona ku soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee Awdiinle.

Madaxweynaha KGS ayaa intaasi kadib waxa uu dhagax-dhigay saldhiga Awdiinle, wuxuuna shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen,isaga oo ugu baaqay in ay Maamulka  la Shaqeeyaan.

Madaxweynaha iyo wafdihiisa ayaa ugu dambeyn Gelinkii dambe ee Manta soo aaday dhanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya.