Sawirro:-Sarkaal ka tirsan Boliska Sweden oo lagu dhaawacay Stockholm

Sarkaalkaasi ayaa la sheegay in Toorey looga dhaawacay Qoorta, xilli uu ku sugnaa Fagaaraha ugu mashquulka badan caasimadda dalkaasi ee loo yaqaano Medborgarplatsen Square.

Askariga la dhaawacay waxaa loola cararay Isbitaalka Karolinska Hospital, balse ma kala cadda xilligan sida uu ahaa dhaawaciisa.

Hadal ka soo baxay Boliska Sweden ayaa lagu sheegay in la xiray Eedeysanihii geystay dhaawacaasi oo la sheegay inuu dhacay abaarihii 10:30 daqiiqo ee Aroornimadii maanta ee Xilliga dalkaasi.

Hoos Ka Daawo Sawirrada