Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi udiray ehelkii uu ka baxay Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gor-Gor, kaasi oo shalay ku dhintay dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe.
“Allaha u naxariisto walaalkeen Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid oo maanta geeriyooday isagoo dalkiisa iyo dadkiisa ka difaacaya cadow horor ah, Qoyskiisa iyo Qarankaba samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, isagana jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo. Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha XFS.
Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa siyaabo kala duwan guulo uga sheegtay Ciidanka Xoogga dalka iyo sidoo kale dhanka Al-shabaab oo iyaguna sheegtay in ay khasaaro soo gaarsiiyeen Ciidanka Dowladda, waxaana Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho uu sheegay inay ku dileen in ka badan 70 ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana waxaa uu guulo ka gaareen dagaalkaasi shalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe.