Sawirro:-Midowga Afrika oo tijaabo marsiinaya Boqolaal Askari si ay ugu soo biiraan Hawlgalka AMISOM

326-Askar u dhalatay dalka Uganda ayaa u fariistay Imtixaan uu Ururka Midowga Afrika soo diyaariyey, iyadoo Tartamayaasha laga qaadayo Imtixaano ku aadan Taageeradda Hawlgalladda.

Saraakiil ka tirsan AU-da ayaana qaaday Imtixaanaadkaasi oo ka dhacay Dhismaha Dhallinyarada oo ku yaalla Degmadda Nasambya ee dalkaasi.

Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Boliska Uganda, Grace Turyagumanawe ahna Agaasimaha Hawlgalka Taageeradda Nabadda ee dalkaasi ayaa sheegay in Tartamaayaasha ku guuleysta Imtixaanaadka in loo soo daabuli doono Hawlgalka Nabadda ee Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray  inay Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo ka timid magaallaadda Addis Ababa qaadayaan Imtixaanaadkaasi oo bilowday Khamiistii la soo dhaafay.

Imtixaanaadka laga qaadayo Askarta Tartamayaasha ayaa isugu jira qoraal iyo ku-hadalka Luqadda English-ka iyo Qorsita Warbixinadda., iyadoo kuwa guuleysta mari doonaan Imtixaanka Wadista Gaadiidka

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Boliska ee Taageeradda Nabadda ee Ururka Midowga Afrika Aderemi Adeoye ayaa ka hadlay sababaha Ciiddankaasi loogu soo daabulayo Somalia, wuxuuna xusay inay Golaha Ammaanka ee QM ka haystaan Awood-hawleed ku aadan inay Midowga Afrika tababaraan Ciiddanka Boliska Somalia iyo inay dhisaan Awooddooda  ku aadan Hawlaha Boliska si ay ugu adeegaan Ummadda Soomaaliyeed.