Sawirro:-Agaasime Koofi oo kormeeray Xafiisyada Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Cadaado

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa kormeerey xaafiisyada hay’addu kuu leedahey magaalada Cadaado, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala iyo qaar ka tirsan bulshada Cadaado.

Kormeerka oo uu agaasimaha ku wehlinayey madaxa howlaha hay’adda ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha hay’adda, wuxuuna saraakiisha kula dardaarmey in ay u guttaan waajibka qaran si waafaqsan sharicyada dalka.

Agaasimaha ayaa ku guda jira kormeerka sanadlaha ah ee uu ku sameynayey xaafiisyada iyo howlaha hay’adda guud dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna hore u soo marey qeybo badan oo dalka ah.