Sawiro:Xafiis xal u noqonaya Diiwaangelinta Xisbiyada oo Muqdisho laga furay

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka dalka ayaa Maanta Muqdisho ka furay Xafiiska Diwaangelinta Xisbiyadda Siyaasadeed ee haatan dalka ka jira,waxana Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliya.

Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka ayaa sheegtay in Xafiiskaan uu suurtagelin doono in la diiwaangeliyo xisbiyadda oo aan badankood la aqoonsneyn islamarkaana ay noqon doonaan kuwa la diwaangeliyay.

Dalka Somaaliya ayaa waxaa xiligaan ka jira in ka badan 20 xisbi Siyaasadeed kuwaas oo qaarkood masuuliyiintooda xilal Muhiim ah ka haya dowaldda Federaalka Somaaliya.

Sawiro