Masuuliyiinta Wasaraadda Maaliyadda ee gobolka Gardafuu, ayaa kormeer shaqo ku tagey xeebaha Degmada Bareeda, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay dakhliga Xeebaha ee Wasaaraddu qaado.
Koormeerka, waxaa hogaaminayay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg, Taliyaha Qeybta gobolka.Gardafuu Gaashaanle sare Shire Cabdi Ismaacil iyo maamulaha Dakhliga ee gobolka Cumar Jaamac Juusuf.
Masuuliyiintan, waxey digniin u direen Kalluumeysatada sida sharci daro ah ugu Kalluumeysata Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Gardafuu, waxeyna sheegeen ciddii lagu helo iyagoo si sharci darro ah u kalluumeysaneysa sharciga la hor keeni doono.
Xeebta Puntland, ayaa aad u dheer, waxaana ceegaaga kheyraad farabadan, waxaana la sheegaa in ay soo gallaan Maraakiib iyo Doonyo si sharci darro ah uga Kalluumeysta.
Baahintii.
Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dignino u dirtay Maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darracad ah kaga jillaabta xeebaheeda,waxaana sidoo kale horay ay gacanta ugu dhigeen Ciidanka ilaada Xeebaha ee Puntland, Kalluumeysato kusoo xad gudbay biyaha Badda Puntland.