(SAWIRO):Madaxweyne Xasan Sheekh: “Mar kale ayaan Cafis u fidinayaa Dhallinyarada weli ka tirsan Alshabaab”.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu maanta Ummadda Soomaaliyeed u diray Hambalyadda  Munaasabad da 73-guuradii ka soo wareegtay Asaaskii Ururkii Dhallinyaradda Soomaaliyeed ee SYL oo ku beegan maanta oo ay Taaiikhdu tahay 15-ka May.

Madaxweynaha waxa uu ka hadlay Muhiimadda Maalinta Dhallinyarada iyo Halgankii Gobanimadoonka ee ay Ururka SYL ku soo qaateen, wuxuuna xusay inay Baal Dahab ah kaga jiraan Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu Munaasabadda 15-ka May mar kale Cafis u fidiyey Dhallinyarada ka tirsan Ururka Alshabaab, oo uu ugu baaqay inay kaalin ka qaataan Dib-u-dhiska Qaranka Somalia.

“Waxaan cafis u fidinayaa mar kale Dhallinyarada qalbiga laga qalday ee ka tirsan Alshabaab, iyadoo aan laga aar-goosan doonin” ayuu yiri Madaxweynaha oo carrabka ku dhuftay inaan la ciqaabi doonin, lagana aar-goosan doonin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu maanta Ubax Xusuus ah dhigay Taalladda SYL ee lagu xusuusto 13-kii Dhallinyaro ee asaastay Ururkii Dhallinyarada ee SYL ee Kaalinta shariifka ka soo qaatay Halgankii Gobanima-doonka ee looga soo horjeeday Gumeystayaashii kala qeybiyey dalkeenna Hooyo.

axaa munaasabaddan madaxweynaha kala qeybgaley xubno ka tirsan labada gole iyo maamulka gobolka Banaadir.6543unnamed-421©Radio Dalsan