Dowladda Qatar oo diyaarisay Markab Weyn oo isku xiri doona…

Markabkaasi oo loogu magac daray GRAND FERRY waxa uu Safarkiisa 1-aad  bilaabi doonaa bisha soo  socota ee Janaayo, wuxuuna isaga kala gooshi doona Dekeddaha ku yaalla Caasimadaha 3-daasi Waddan.

Markabkaasi oo lagu soo farsameeyey dalka Fraansiiska waxa uu dhererkiisu dhan yahay 145 mitir waa markii ugu horreeyey oo uu Markab noocaasi ah ka hawlgalo dalalka ku yaalla Gacanka Carbeed.

Waxa uu qaadi karaa ilaa 870 Rakaab iyo 670 gaari, wuxuuna leeyahay barxad ay Diyaaradaha Helikopterada ku soo degi karaan.

Markabkaasi ayaa la sheegay inuu muddo 20-saacadood ilaa 25-saacadood isaga kala gooshi doono dalalka Qatar iyo Cumaan, isla waqtigaas oo kale ayuuna ku soo laaban karaa caasimadda dalka Qatar ee Dooxa.

Milkiilaha Markabkaasi, Faysal Al-sulayti oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ee dalka Qatar waxa uu sheegay inay doonayaan inay taageero ka geystaan sidii loo xoojin lahaa xiriirkaka dhexeeyo Dowladaha Qatar, Kuwayt iyo Cummaan.

Milkiilaha waxa uu rumeysan yahay inay Qatar buuxinayso marnaansho ka jirta Suuqyadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay  jirto Damaanad weyn ee noocan Adeegga.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar waxay bishii June 5-dii ee sannadkii hore  xiriirkii Diplomaasiyadeed iyo Ganacsi u hareen Dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen inay maalgeliso Kooxaha Argagixisadda iyo inay Deganaansho la’aan ka abuurayso Gobalka.

Dowladda Qatar waxay beenisay Eedeymahaasi, waxaana la saaray cunaqabatayn dhinacyadda Badda iyo Cirka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor