Waxaa Maanta Xarunta dhexe ee Radio Dalsan muqdisho lagu soo gaba gabeeyey Tartanka Quranka Kariimka oo ay ka qeyb qaadanayeen qaar ka mid ah Arday ka socotay dugsiyada Quraanka ee ku yaalla Muqdisho.
Dugsi walba ayaa waxaa ka socotay min Saddex Arday kuwaas oo ku tartamayey 30ka Juz,20-ka Juz iyo 10-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah,waxana ka qeyb galay inka badan 60 Arday.
Gaba gabadii ayaa waxaa tartanka Quraanka Kariimka ee Radio Dalsan soo baxay,isla markaana abaal marin la guddoonsiin doonaa 6 Arday oo kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay 30-ka juz,20-ka juz iyo 10-ka Juz.
Tartankaan ayaa waxaa Abaalmarin ku bixineysa Shirkada Daabacaada SUPERSIGN iyada oo baahintana ay laheyd Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho.
Saacadaha soo socda ayaan idin soo gudbin doonaa Magacyada 6 Arday ee tartanka ku guuleysatay,isal markaan la abaalmarin doono.