(SAWIRO): Sawir-qaade ka badbaadiyey Ilmo yar qarax ka dhacay Syria.

Sawiro laga qaado Caloolyow ayaa waxaa laga dheehan karaa sawiro laga qaaday Sawir-qade C/qaadir Habak, kaasi oo isbuucii hore gurmad u sameeyey dadkii wax ku noqday Is-qrxin lala beegsaday Kolonyo gaadiid maraysay duleedka magaalladda Aleppo.

Mid ka mid ah Sawiradda ayaa laga dheehan kara isagoo ilmo yar kala cararaya qaraxyo ka dhacay Degmooyinka Kefraya iyo Foua oo ay Ciiddanka Dowladda Syria gacanta ku hayaan.

Aragtida meeshaasi waxay ahayd mid argagax leh, isla markaana la arkayo ilmo adiga gargaar kaa sugaya iyo kuwo hortaada ku dhimanayo” ayuu yiri Sawir-qaadaha oo intaasi ku daray inuu go’ansaday inay isaga iyo saaxiibadiisa Kmeeradda iska dhigaan si ay u bilaabaan gurmadka dadka ku dhaawacmay qraxaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ilmihii ugu horreeyey ee uu baaro ahaa mid dhintay, halka mid xigay uu si dhib ah u neefsanayey, uuna soo xambaaray, isla markaana uu ula cararay Ambalaaskii ugu dhawaa.

170417142851-graphic-syria-photojournalist-restricted-super-169.jpg

Sawir-qade C/qaadir Habak waxa sawirkiisa labaad la arkayey isagoo jilbo jabsaday meel ku xigta halka uu yaallay maydka ilmo kale.

Waa uu ooyayay, wuxuuna awoodi kari waayey waxa uu goobjooga u noqday.

Sawiradiisa ayaa waxaa Kumanaan jeer si online loo wadaagay, waana dhacdo xanuun badan oo qeyb ka ah Dhcdooyink murugadda leh ee sida joogtada uga dhacda dalka Syria.

©Radio Dalsan