Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymihii diyaaradaha Kenya shalay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo, waxaana duqeymasi ka dhashay khasaaro soo gaaray Bulshada Gobolkaasi.
Waxaana duqeymahaasi ku waxyeeloobay dad shacab ah oo haween iyo caruur ay ku jiraan.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Duqaymahaasi ay ahaayeen kuwo aan loo meel dayin oo dad shacab ah lagu beegsaday, waxaana duqeymuhu ay ka dheceen deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku hanjabtay inay dacwad u gudbin doonto Midowga Afrika.