Madaxweynayaasha Puntland,Jubaland iyo Galmudug ayaa maanta socod dheer ku soo maray gudaha magaalada Cadaado iyadoo shalay ay soo gaareen magaalada Cadaado isla mar kaana ay ka qeyb galeen caleema saarkii Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo puntland ayaa labada shacab ugu baaqay in ay dhamaatay colaadii labada maamul loona baahany ahay in la iska kaashado hormarinta dhaqaalaha Amaanka isku socodka bulshada iyo furitaanka dhamaan wadooyinka isku xira labada maamul.
Madaxweynayasha oo wajiyadooda laga dheehanay farxad ayaa labaduba Goobta isku Gacan qaaday waxa ayna shegeen in xiligaan wixii ka dambeeya ay dhamaatay colaadii horay uga dhacday deegaanada Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Hadaladii kala duwanaaa oo ay Shalay Magaalada Cadaado ka jeediyeen Madaxdii ka qeyb gashay Caleem-saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa laga dhadhan sanayay in la doonayo in ay wada heshiiyaan Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland kuwaas oo Ciidamo kawada tirsan ay dhowr mar wada dagaalamen.
Sawiro