(SAWIRO): Macallimad Falastiiniyad ah oo ku guuleysatay Abaal-marinta Macallinka Sannadka.

Ayuub Maxamed oo Barre ka ah Dugsiga sare ee Islii (Eastleigh High School) ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay seegtay Fursad uu ku heli lahaa Abaalmarin Lacageed oo dhan Hal million oo Dollar.

Ayuub Mohamed  oo Somali-Kenyan ah ayaa ahaa Tartamaha keliya ee Afrikaanka ee soo  gaaray Heerka ugu dambeeyey ee lagu xulan lahaa Macallinka ugu wanaagsan Caalamka, iyadoo ay  Hay’ad laga leeyahay Maraykanka oo lagu magacaabo “Varkey Foundation” qabanqaabisay Tartankaasi.

AYUB AHMEDIlaa 8,000 oo Macallimin ka kala socota dalalka Caalamka ayaana ka qeyb galay Tartankaasi lagu xulanayey Macallinka ugu wanaagsan sannadkan.

Abaalmarintaasi waxaa sanandkan ku guuleysatay Macallimad u dhalatay Falastiin oo lagu magacaabo Hanaan Al-xuruubi, taasi oo ku soo kortay Xeradda Qaxootiga ee Baytal-laxam oo ku taalla dhulalka la-haysto ee Falastiin.

Munaasabadda lagu guddoonsiiyey Abaalmarinta Lacageed waxaa xalay lagu qabtay magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xaakimka magaalladda Dubai, ahna Ra’isul-wasaaraha dalka Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almaktuum ayaa guddoonsiiyey Abaalmarinta Lacageed Hanaan Al-xuruubi oo macallimad ah Dugsiga Sare ee Samiix Khaiil oo ku yaalla Degmadda Bayrah ee Falastiin.

Munaasabadda waxaa kale oo ka soo qeyb galay Aasaasaha Hay’adda Caalamiga ee “the Varkey Foundation”, Sunny Varkey.

Abaalmarintaasi oo sannadkiiba mar la bixiyo ayaa lagu magacaabo Abaalmarinta Macallinka ee sannadka 2016 “The Varkey Foundation Global Teacher Prize 2016.

Hanan al-Hroub3 Hanan al-Hroub5 Hanan al-Hroub 6 Hanan al-Hroub 5 Hanan al-Hroub 4 Hanan al-Hroub `

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor