Safiir ku xigeenka Itoobiya ” Waxaan weerarka Halgan ku dilnay 120 Al Shabab ah”

Sariirka ku xigeenka safaarada Itoobiya ee Soomaaliya Jaamuludiin Mustafa ayaa sheegay in weerarkii Al Shabab ay ku qaaden xerada AMISOM ee deeganka Halgan ay ku dilen ciidankooda in ka badan 120 Al Shabab ah.

Jaamaludiidiin Mustafa ayaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay radio Dalsan in weerarka lagu qaaday xerada ciidamada Itoobiya loo soo qorsheeyay qaab lamid ah weerarkii Ceel Cade ee dhacay 15 bishii Janaayo ee horaantii sanadkan.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamada ay diyaar u ahayen weerar kasta oo ku soo wajahnaa waxana uu sheegay 11 habeenimo ee xalay in weerarku uu ku bilawday qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Seddex koox oo kala duwan oo Al Shabab ah ayuu sheegay iney soo weeraren xerada balse ciidankooda ay marwaliba ka hortagayen weerarkasi.

Waxa uu sheegay sido kale iney dagaalka ay hub badan ku qabsaden,waxaana kamid ah waxyaabahii ay qabsaden,114 Qoryaha Ak 47,15 BKM,4 madfac iyo hub kale oo badan.

Haddaba halkan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran:-