Dhageyso:-Puntland oo Guddi u saartay Falalka Kufsiga ee ka dhacay deegaanadeeda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo dalka dibadiisa ugu maqan gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay Arrimaha falka kufsiga ah ee kusoo badanaya deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu guddi baaris dhab ah u saaray halka laga soo abaabulo falalka kufsiga ah ee ka dhaca deegaanada Puntland,isla markaana lagula kaco gabdhaha yar yar ee kunool Puntland.

Waxa uu sheegay in falalka noocaas oo kale uu yahay kuwo aad fool xun,isagoo Carabka ku adkeeyay in Puntland ay ka hortigi doono cida soo abaaabusha,wuxuu xusay in ciqaab adeg laga qaadi doono.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay in falalkii kusfiga ahaa ee horey uga dhacay deegaanada Puntland loo haayo dad,isla markaana qaarkood loo gudbiyay Maxkamad si sharciga loo marsiiyo.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland.

Comments
Loading...