Saddex qof oo asalkoodu yahay Somali, laguna tuhunsan yahay inay maleegayeen Falal Argagixiso oo lagu xiray Kenya

Maxkamadda Degmadda Narok ee Galbeedka magaalladda Nairobi waxaa la soo taagay saddex qof oo asalkoodu Somali yahay, kuwaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka isbuucii hore ka soo qabteen W/galbeed ee Kenya.

Saddexda qof ee ay Boliska Kenya ku tuhunsan yihiin inay maleegayeen Falal Argagixiso, waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Habibo Abdullahi Guuleed oo Somali-Canadian ah, Jamaal Ali oo loo yaqaano Kamau iyo Bashir Mohamed Ali.

Madaxa Garsoorka ee Maxkamadda Degmadda Narok, Wilbrioda Juma ayaa  amray in saddexdaa qof lagu sii hayo Xabsiga ilaa bishan August  17-da, oo la dhegeysan doono Kiiska loo haysto.

Dacwad-oogayaasha Dowladda Kenya ayaa horey uga codsaday Garsoorka Maxkamaddaasi in saddexda qof aan lagu sii dayn Karin damiin lacageed, ilaa laga baarayo sax ahaanshaha  Dukumentigooda.

Dhinaca kale, Garyaqaanka u doodayo Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Daniel Ombati ayaa codsaday in lagu sii daayo damiin lacageed, si aysan ugu dhibaatoonin Xarigooda sabab la’aanta haddii ay noqdaan dad lagu waayey wax dembi ah