Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka Kumeelgaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray.
Waxaan rajeynaynaa inaan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu horseedo.
Saaxiibada ay Soomaaliya caalamka ku leedahay waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad-dhisidda.
Dhammaad.