Ra’isul wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Ammaanka (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xalay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kulan su’aallo lagu weydiinayay la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Baarlamaanka.

Ra’isul wasaare Kheyre  ayaa Guddoonka iyo gudiyada Barlamaanka u sharaxay qorsha ku aadan dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Dowaladda Federaalka  Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii loo dhisi lahaa Ciidamo hanan kara Ammaanka Dalka, si looga maarmo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee hada Dowladda ka caawiya ladagaalanka Alshabaab.

Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada: