Abdimajid Osman oo Dalsan uga warramay hoobiyeyaal kusoo dhacay Xarunta Golaha Shacabka

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ban’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Abdimajid Osman ayaa innooga warbixiyay khasaaraha gaar ahaaneed ee ka soo gaaray Ergeyga hoobiyayaal ku dhacay xarruunta Golaha Shacabka.

Agaasime Abdimajid Osman ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Ergeyga ay ku dhaawacmeen hoobiyayaashaas, mid ka mid ahna ay xaaladdiisa caafimaad aad u darran tahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hadda lagu tacaalayo xaaladdooda isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana wareeysigaan la yeeshay wariyaheena Cabdiwaxiid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor